Waa maxay macnaha "Cadaaladda Guryaha" (Fair Housing)?
Gobolka Maine waxa ka jira sharci gobol iyo sharci federal oo ku saabsan “cadaaladda Guryaha”. Sharciyadaasi waxay qorayaan inaan mulkiile guri (landlord) aanuu kuu diidi karin inu guri kaa kireeyo, ninka guryaha iibiyana kuulama dhaqmi karo si kaduwan dadka kale, iyadoo sababtu tahay:
- jinsi
- midab
- asal wadan ama isir (meesha adiga ama qoyskaagu ka yimid)
- diin
- lab iyo dhedig
- naafo
- caruur yaryar oo kula nool (taasoo sharciga loogu yeedho “xaalad qoys” (familial status)) ama
- qaadashada gargaarka dawladda (sida TANF, Gargaarka guud, SSI, ama Section 8)
Waxa kale oo sharci-daro ah in mulkiilaha gurigu kuula dhaqmo si ka duwan sida uu kireystayaasha kale ula dhaqmo iyadoo sababtu tahay isla kuwaa la soo sheegay.
Ogeysiis: Sharciyada gobolka ee diidan midab-takoor ku saleysan labka iyo dhedigga, waxaa kale oo ay difaacayaan dadka bedela xubnaha taranka jirkooda. Sharcigaasina wuxuu mamnuucayaa, midab-takoorka kusaabsan aaminaada qof ka aamin san yahay in qofkaasi yahay labeeb ama qof bedelay xubinta taranka jirkiisa, xitaa haddii qofkaasi uusan ahayn waxa loo maleynayo.
Sidee u shaqeeyaa sharciga ilaaliya naafanimada?
Dadka naafada ah waa in loola dhaqmaa si la mid ah sida dadka kale loola dhaqmo, dadkaasina kuma qasbana in ay sheegaan naafanimadooda.
Haddii aad naafo tahay isla markaasna aad dooneysid in wax laga bedelo sharciyada amaba dhismaha guriga aad degan tahay, waad u sheegi kartaa naafanimadaada mulkiilaha guriga, kana codsan kartaa inuu wax kabadalo amaba wax kusoo siyaadiyo guriga,waana in wax ka badelidaasi tahay mid la xiriirta naafanimadaada, lagama maarmaana kuugu ah in aad gurigaas ugu raaxeysatid sida dadka aan naafada ahayn oo kale.
Si aad wax badan uga ogaatid arintaan waxaad weydiisataa buuga ka hadlaya arintaas “Cadaaladda guryaha: Su’aalaha inta badan la isweydiiyo oo ku saabsan xuquuqda guryaha ee ay leeyihiin dadka naafada ah iyo qoysaskooda.”
Ka hel akhbaarta ka hadleysa xaqa heysashada xayawaanka wax haga halkan.
Waa guryahee kuwa sharcigu qabanayo?
Sharciyada cadaaladda guryaha wuxuu qabanayaa guryaha intooda badan, ama gurigu ha ahaado mid aad kireysanaysid ama aad iibsanaysid. Guryaha sharcigu qabanayo waxa ku jira:
- abaarmanada iyo guryahay ay iska leeyihiin mulkiilayaasha gaarka ah, iyo
- "guryaha la kabo" (subsidized housing), sida guryaha dawladda (public housing) ee ay maamusho hay’adda guryaha.
Waxa jira dhawr wax oo ka reeban sharciga. Tusaale ahaan: qaybo ka tirsan sharciga federalka ayaan la dabiqi karin ama la isticmaali karin haddii u mulkiiluhu guriga ku nool yahay isla markaana guryaha uu kireynayo aanay ka badnayn 4 guri. Sharciga gobolku ma qabanayo dhisme ka kooban 2 guri oo mid ka mid ah uu degan yahay mulkiiluhu. Sidoo kale ma qabanayo marka uu mulkiiluhu kireynayo 4 qol ama wax ka yar oo ku yaalla gurigiisa.
Ka waran haddii si ka sii xun la iila dhaqmo sababta oo ah waxan dacweeyay mulkiile guri, ama qof baan ka gargaaray dacwad isaga ka dhan ah?
Sharcigu wuxu qorayaa inay sharci-daro tahay in qof kuu hanjabo, ama si khalad ah kuula dhaqmo, sababta oo ah waxa aad isku dayday inaad hirgalisid sharciga cadaaladda guryaha. Haddii taasi dhacdo, waxa aad heli kartaa gargaar. (Eeg qaybta “Halkee Baan Gargaar ka Heli Karaa” ee hoos ku taalla.) markhaatiyada, Shaqaalaha iyo dhamaan dadka kugu caawiya arinkan sharciga ayaa iyaga laftooda ilaalinaya in laga aarguto.
Mulkiile guri ma ii diidi karaa inuu guri iga kireeyo sababtoo ah waxan leeyahay caruur?
Maya. Sharcigu wuxu qorayaa in mulkiilayaasha guryuhu aanay dadka caruurta leh u diidi karin inay guri ka kiryeeyaan, ama sababtoo ah waxaad leedahay uur. Ama waxaad isku dayeysaa inaad qaadid caruur mas’uuliyadooda waalidnimo. Waxa jira ka-reebis u gaar ah guryaha qaarkood oo loogu talagalay guryaha waayeelka. Xeerarka amaanka guryaha ayaa iyaguna xad u yeelli kara tirada dadka si amaan ah ugu noolaan kara guri, taasoo ku xidhan cabbirka guriga. Waa sharci in laguu diido in guriga lagaa kireeyo sababta oo ah dadkaaga ayaa badan. Wareyso xafiiska amaanka dhismaha ee degmadaada (building code office). Amaba soo wac xafiiskeena (Pine Tree Legal Assistance.)
Kasii aqri sharciga dowladda dhexe halkan.
Mulkiile guri ma iila dhaqmi karaa si ka duwan sida uu dadka kale ula dhaqmo sababtoo ah waxan qaataa gargaarka magaalada, gobolka, ama dawladda Maraykanka?
Sharciga Maine wuxu qorayaa in laguula dhaqmaa isla sida loola dhaqmo kireystayaasha kale. Taa macnaheedu waxa weeye inaan mulkiilaha gurigu kaa qaadi karin kiro ama kharash gaar ah, ama aanuu sharci gaar ah adigu kuu samaysan karin.
Ka waran haddii qof ii dhaarto amaba ii hanjabo?
Waa sharci daro in qof kuu hanjabo sababtuna tahay jinsi, midab, diin, asal wadanka aad ka timid, dadka aad kazoo jeedid, naafanimo, dhedig iyo lab midka ad tahay, dadkaasna waxaa ku jira mulkiilaha guriga, shaqaalaha guryaha u hagaajiya amaba deriska. Pine Tree Legal way caawisaa dadka sidan oo kale guryaha lagu cunsuriyadeeyo.
Dhibaato culus amaba handadaad joogto ah waxay noqon kartaa dembiyadda nacaybka (hate crime) wixii caawimaad ah la xiriir booliska degmadaada ama xeer ilaalinta guud ee maine qeybta xuquuqda shacabka:
6 State House Station
Augusta, Maine 04333
Telephone: (207) 626-8800
TTY # (207) 626-8865
Ka waran haddii aan isku dayayo inaan guri iibsado, ka dibna uu iibiye guri ama dayn-bixiye cadaalad-daro ama takooris igu sameeyo?
Sharciyadan ayaa lagu dabaqaa marka aad isku dayaysid inaad guri iibsatid.
- Guri iibiyuhu kuuma diidi karo inuu guri kaa iibiyo, ama kugu adkeeyo sidii aad u iibsan lahayd.
- Dilaal guri (real estate agent) ma diidi karo inuu kuu adeego.
- Bixiye dayn guri (home mortgage lender) kuuma diidi karo dayn ama kuguma adkayn karo sidii aad dayn u heli lahayd.
Takooristu ama cadaalad-daradu waa inay ku salaysan tahay jinsi, midab, diin, lab iyo dhedig, asal wadan ama isir, naafo ama lahaansho caruur ("xaalad qoys"). Ama qaadashada gargaarka guud.
Halkee baan gargaar ka heli karaa?
Si aad u soo sheegtid takoorista, la soo xidhiidh labadan xafiis ee dawladda. Soo wac ama warqad u soo qor. Ama buuxi warqadda ku jirta rugta internetka ee hoos ku qoran.
Maine Human Rights Commission (Guddida Xuquuqda Bini’aadanka ee Maine)
51 State House Station
Augusta, Maine 04333-0051
Teleefon: 207-624-6050
Maqal-laawe (TTY/TTD): 207-624-6064
FAAKIS: 207-624-6063
Internetka halkan ka xerayso dacwadda
HUD Office of Fair Housing (Xafiiska HUD ee Cadaaladda Guryaha)
U.S. Dept. of Housing & Urban Devel.
Thomas P. O’Neill, Jr. Federal Bldg.
10 Causeway Street, Room 321
Boston, MA 02222-1092
Teleefon: 1-800-827-5005 ama (617) 994-8300
Maqal-laawe (TTY) (617) 565-5453
FAAKIS: (617) 565-7313
Internetka halkan ka xerayso dacwadda
Maxaa dhici doona haddii aan dacwad xeraysto?
Halkan waxaa ku qoran sharaxaad yar oo ka hadleysa sida gobolka iyo hay’addaha dowladda dhexe ay ula macaamilaan dacwadaha kusaabsan caddaaladda guryaha. Haddii aan si sahlan u sheegno waxaan u qaadan doonaa in aad xareyneysid dacwad ka dhan ah mulkiilaha guriga aad degan tahay.
Maine Human Rights Commission (MHRC) (Guddiga Xuquuqda Bini’aadanka ee Maine)
Waa inaad dacwad ka xeraysatid MHRC (Guddiga Xuquuqda Bini’aadanka ee Maine) 300 oo maalmood gudahood laga bilaabo maalinta uu mulkiilaha gurigu ku kacay falka sharci-darada ah ee ugu dambeeyay. Ka dib marka aad dacwadda xeraysatid, MHRC waxay mulkiilaha guriga u diri doonta koobiga ama nuqulka dacwadda, si loo helo jawaabtiisa. Ka dibna waxa aad fursad u heli doontaa inaad ka jawaabtid jawaabtiisa.
Baadhe ka socda MHRC ayaa arrinta ama kiiska baadhi doona. Waxa dhici karta in baadhuhu qabto shir ah “xaqiiqo-raadis.” Shirkaasi waa shir aan rasmi ahayn oo ah xaqiiqo-raadis. Ama waxa dhici karta in baadhuhu la yeesho shirar gaar ah adiga iyo mulkiilaha guriga ama teleefonka kugula soo hadlo.
Baadhitaanku inta uu socdo waxa aad fursad u heli doontaa in arrinta la dhameeyo. Haddii aad heshiis isla gaadhaan, waa in labada dhinacba ka soo baxaan heshiiska. Haddii aad heshiin weydaan, baadhuhu wuxu qori doonaa warbixin. Baadhuhu wuxu warbixinta ku qori doonaa inu u malaynayo ama aanu u malaynaynin in mulkiiluhu jabiyay sharciga guryaha.
Baadhuhu wuxu warbixinta u soo diri doonaa adiga iyo mulkiilaha guriga. Haddii aanad warbixinta raalli ka ahayn, waxa aad warqad u qori kartaa Xubnaha Guddiga Xuquuqda Bini’aadanka (Commissioners). Xubnaha Guddidu waxay akhriyi doonaan warbixinta, iyo waliba wixii qoraallo ah ee aad adiga iyo mulkiilaha guriga soo raaciseen. Ka dib shir dadweynaha u furan ayaa la qaban doonaa si, waxaana fursad laguu siin doonaa si aad u faah-faahisid dacwadaada, Xubnaha Guddiduna waxay u codeeyn doonaan inay taageeraan warbixinta iyo inaanay taageerin.
Xubnaha gudigu waxay inta badan u codeeyaan dacwadaha guryaha mudo 3 bilood gudahood laga bilaabo maalintii ay dacwadaasi soo gaartay.
Hadii xubnaha gudigaasi helaan sababo cadeynaya in laguugula dhaqmay si sharci daro ah, wey kula shaqeyn doonaan adiga iyo dhinaca kaleba si arinta loo xaliyo. Taana waxaa layiraahdaa (conciliation) dhexdhexaadin, waana talaabo lagamaarmaan ah marka hore. Hadii arinta laxalin waayo gudiga ayaa arintaada makamada kula gaynaya. Sidoo kale waxaad keensan kartaa qareen adiy aad shaqaaleysay.
Haddii xubnaha golahaasi ka waayaan dacwadaada wax cadeynaya in laguugula dhaqmay si sharci daro ah, waxay noqoneysaa in ay xiraan dacwadaada amaba aad la aadid maxkamad qaada dacwadaada adigoo la baxaya qarashka ku baxa qareenada waxaad weydiisan kartaa xubnaha gudiga inay ku sii yaan liis ay ku yaalaan macyada qareeno kumatalikara maxkamada.
HUD Fair Housing Office (Xafiiska HUD ee Cadaaladda Guryaha)
Haddii aad go’aan ku gaadhid inaad dacwadaada ka xeraysatid Xafiiska Dawlaada Maraykana ee Cadaaladda Guryaha (United States Fair Housing office), waa inaad taa ku sameysid sannad gudihii laga bilaabo maalinta uu mulkiilaha gurigu falka sharci-darada ah ku kacay.
Guud ahaan HUD waxay u dirtaa dacwadaha lagu xareeyay 300 oo maalmood gudahood hay’adda xuquuqda biniaadamka ee gobolka maine ( dusha eeg). Haddii falkii midabtakoor ee ugu dambeeyay uu dhacay inta u dhexeysa 300 oo maalmood iyo 12 bilood HUD ma gudbineyso dacwadaada ee iyadaa hayneysa. HUD waxay la socodsiineysaa dacwadaada mulkiilaha guriga isla markaasna waxay weydiineysaa jawaab qoraal ah. Kadibna HUD wey baareysaa dacwadda si ay u cadeeyso in ay jirto sabab macquul ah oo la rumeysan karo in mulkiilaha gurigu jabiyay sharciga. HUD waxay isku dayeysaa in ay heshiis la gaarto mulkiilaha guriga aad ka deganeyd iyadoo ilaalineysa xuquuqahaaga.
Haddii aan arrintaada la xalin isla markaana ay HUD aragto “sabab caqli-gal ah waxa arrinta loo gudbin doonaa dhageysi maamul oo rasmi ah (administrative hearing). Qareen ama looyar dawladda ka socda ayaa lacag la’aan kuu doodi doona. Waxa kale oo suurogal kuu ah inaad la timaadid qareen ama looyar aad adigu keensatid. Haddii Xaakinka Sharciga Maamulku (Administrative Law Judge) uu adiga garta ku siiyo, waxa mulkiilaha guriga aad ku jirtid lagu amri karaa:
- Inu bixiyo khasaarahaaga.
- Inu sameeyo waxyaabo gaar ah si uu khaladka u saxo.
- Inu lacag ganaax ah siiyo dawladda Maraynkanka.
- Inu bixiyo kharashka qareenka.
Haddii labada qolo ee dacwadu ka dhexayso ay doortaan inay isla tagaan Maxkamadda Federalka (Federal Court), maxkamadda ayaa markaa dhageysan doontaa dacwadooda. Qareen ka socda dawaladda ayaa kuu doodi kara. Maxkamaddu waxay qaadi kartaa isla waxkaqabadkii la soo sheegay, iyo kharash ganaax ah—kaasoo ciqaab u ah falalkii khaladka ahaa ee uu mulkiilaha gurigu galay.
Waxa kale oo aad xaq u leedahay inaad tagtid maxkamadda federalka adiga oo kharashka iska bixinaya oo aan soo marin talaabooyinkaa la soo sheegay. Waxa aad maxkamadda weydiisan kartaa in lagu siiyo qareen aanad lacag ka bixin.
Ka Waran haddii qof cadaalad-daro ama takooris aan ahayn guri la ii diido igu sameeyo?
Sharciga gobolka Maine iyo ka federalku waxa kale oo ay mamnuuc ka dhigeen takooris ama cadaalad-daro ka dhacda waxyaabahan:
- shaqo-siinta
- daynta (siinta daynta)
- goobaha dadweynaha (sida hoteelada, dukaanada, adeegyada bulshada iyo meelaha dadweynuhu isugu yimaado)
- fursadda waxbarashada
Haddii cadaalad-daro kaa qabsato meelahaa mid ka mid ah, waxa aad gargaar ka codsan kartaa Guddida Xuquuqda Bini’aadanka ee Maine (Maine Human Rights Commission). (Eeg qaybta sare “Halkee Baan Gargaar ka Heli karaa”.)
Bishii sagaalaad 2010; March 2014
PTLA #661SO